Guddoomiye ku xigeenkii SEIT ee PUNTLAND oo is casilay kana baxay gudiga

Garoowe (Caasimada Online) – Caynaanshe Yuusuf Xuseen oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii guddiga SEIT ee Puntland ayaa shaaciyey inuu iska casilay xilkii uu hayey iyo xubinimadii guddiga oo haatan ku howlan doorashada kuraasta baarlamaanka.

Caynaanshe ayaa sababta uu uga tegay guddiga ku sheegay arrimo shaqsi oo isaga gaar u ah, walow uusan la wadaagin warbaahinta iyo bulshada.

Qoraal kooban oo uu soo saaray ayuu caddeeyey is casilaadiisa, isaga oo sidoo kale ku socodsiiyey Ra’iisul wasaaraha iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federal ee (FEIT).

”Aniga oo ah Caynaanshe Yuusuf Xuseen, kana tirsanaa Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Dowlad-goboleed ee Puntland, waxaan halkaan ku caddaynayaa in aan arimo shakhsi ah oo ii gaar ah dartood isaga casilay xilkii xubinnimo ee ka mid ahaanshaha guddiga,” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray guddoomiye ku xigeenku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxaan kale oo aan caddaynayaa in aan sidoo kale iska casilay xilkii ku xigeenka Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Dowlad-goboleed ee SEIT-Puntland,”.

Dhanka kale Caynaanshe Yuusuf  ayaa u mahadceliyay dhammaan xubnaha guddiga doorashada Puntland ee ay mudada sanadka iyo dheeraadka ah soo wada shaqeeyeen.

Sida ay ogaatay Caasimada Online Caynaanshe Yuusuf Xuseen aya doonaya inuu ku biiro tartanka socda ee doorashooyinka, isaga oo doonaya inuu isku sharraxo kursiga tirsigiisu yahay Hop#220, kaas oo uu haatan ku fadhiyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Xasan.

Is casilaadiisa ayaa sidoo kale kusoo aaday, xilli guddiga doorashada Puntland uu hadda ku howlan yahay qabashada doorashada kuraasta taalla magaalada Boosaaso ee maamulkaas.