Indha Qarshe oo loo diiday kursiga HOP#020 – “Waa inaan ka tashano Galmudug”

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sheegay in loo diiday u tartamida kursi lamar HOP#020 oo laga dhigay qoondo haween.

Indha Qarshe oo ka mid ah musharixiinta u tartameysa ka mid noqoshada baarlamaanka 11-aad ee dalka ayaa sheegay in maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Qoor Qoor uu ka hor istaagay inuu u tartamo kursi ay ku sharaftay beeshiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabaa inaan u sheego Ummadda Soomaaliyeed in maamulka Galmudug uu ii diiday kursigii ay reerkeyga igu maamuuseen ee HOP#020,” ayuu yiri Indha Qarshe.

Musharrax Indha Qarshe ayaa sidoo kale xusay in arrintan ay ku noqotay mid lama filaan ah, maadaama uu sanado fara badan u soo shaqeeyey dalka iyo dadka Soomaliyeed.

“Waxay igu noqotay arrin fajac ah, maxaa yeelay nin intaas oo sano u shaqeynaayey qarankiiisa billado badan lagu abaal-mariyey wax muuqda u qabtay in la yiraahdo ma istaahishid, sababta waxaa weeye aniga kuma jecli,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxaa is weydiin leh yaa waayey qofka lagu abaal-marinaa? ma waxaa la rabaa in la dhiso oo la abaal-mariyo oo shaqadii qaranka la siiyo mid aan weligii waxba u qaban?,”.

Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) oo hadalkiis sii wata ayaa shaaca ka qaaday in cadaalad darro weyn ay ka jirto Galmudug, isla-markaana ay ka socoto gar-darro iyo bahdilaad.

“Way muuqataa inay cadaalad darro ka jirto meeshaas, way muuqata inay gar-darro meesha ka jirto, way muuqataa inuu bahdil meeshaaas ka jiro,” ayuu markale yiri.

Sarreeye Gaas Indha Qarshe ayaa usoo jeediyey beeshiisa inay ka tashato aayaheeda iyo sidoo kale kasii mid ahaanshaha dowlad goboleedka Galmudug.

“Waxaan reer tolkeyga usoo jeedinayaa war saan nama qabatee maxaa tala ah? Waxaan talo kusoo jeedinayaa inaan ka tashano kasii mid ahaanshaha maamulka Galmudug,”

Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo guddiyada doorashooyinka, isaga oo ka dalbaday in la hakiyo doorashada kursiga uu u tartamayo oo tirsigiisa uu yahay HOP#020, inta xal rasmi ah laga gaarayo muranka hareeyey kursigaasi.