Guddoomiye Mursal oo hal mid ka codsaday wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo maanta hadal ka jeediyay kulankii goluhu uu ku ansixinayay xubnaha cusub ee xukuumada ra’iisal wasaare Rooble, ayaa daboolka ka qaaday arrinta looga baahan yahay golaha cusub.

Mursal ayaa sheegay in golaha wasiirada cusub ee maanta la ansixiyey looga fadhiyo qabsoomida doorashooyinka, oo dhawaan heshiis kama dambeys ah looga gaaray magaalada Muqdisho.

Wuxuuna sheegay in waajibaadka hor-yaala xukuumadda cusub uu ugu muhiimsan yahay ka midho-dhalinta qabsoomida doorashada xubnaha labada aqal ee baarlamaanka federaalka, oo uu sheegay in muddo badan uu ka shaqeynayey baarlamaanku.

“Xukuumadan waxay kusoo aaday marxalad kala-guur ah, waajibaadka hor-yaala xukuumaddan waxa hortabinta koowaad leh ka midho-dhalinta qabsoomida doorashada xubnaha labada aqal ee baarlamaanka federaalka waqtiga oo ciriiri ah awgeed,” ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo isaguna maanta ka hor hadlay golaha shacabka uu sheegay in xukuumadiisu ay marka hore xooga saari doonto dardar-gelinta howlaha doorashooyinka 2020/2021 iyo sidoo kale sugida ammaanka guud ee dalka.

Rooble ayaa xusay in doorashooyinka ay saldhig u noqon doonaan qodobadii ka soo baxay shirarkii Dhuusamabeeb, isla markaana ay sii ambo qaadi doonto xukuumadiisu heshiiskii lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Si-kastaba, Xukuumaddan cusub oo ku gadaaman-yihiin caqabado badan ayaa kusoo aadey marxalad kala guur ah, isla markaana uu dalka wajahayo culeyso siyaasadeed oo la rumeysan yahay in looga baaqsan karo un doorasho waqtigeeda ku dhacda.