Guddoomiye MURSAL oo kulan deg deg ah isugu yeeray gudiyada joogtada

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Guddiyadda Joogtada ah ee golaha Shacabka.

Kulanka ayaa lagu waddaa in uu dhaco galabta, waxaana diiradda lagu saari doonaa Dejinta Ajendeyaasha Golaha Shacabka ee Bishaan.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli wali ay taagan tahay xiisad ka dhalatay kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, oo xildhibaanada qaarkood ay walaac ka muujiyeen.

Kulankaan deg deg ah ayaa kusoo beegmaya xilli Afartii Kulan  ee ugu dambeysay ee golaha Shacabka uu baaqday.

Wadahadal saacaddihii lasoo dhaafay u socday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  iyo Madaxda ugu sareysa dalka sidda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa la isku mari waayay.

Waxyaabaha Wadahaddalada looga hadlaayay waxaa ka mid ahaa Kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya, Ciidankii dowladda dhexe ee Soomaaliya ay geystay Baydhabo iyo Musharaxnimadda Sheekh Mukhtaar Roobow.

Waxaa soo ifbaxaya in Guddoomiye Mursal uu aad ugu dhegan yahay saddex qodob, diideyna inuu wada xaajood ka geli doonin.

Qodobada uu Guddoomiyaha ka biya diidan yahay ayaa waxaa ka mid ah

1- in Ciidamada la geeyey Baydhabo dib loo soo celiyo

2- In uu tartamo Mukhtaar Roobow oo aan Musharaxnimadiisa laga hor istaagin

3- In Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay shaqadooda wataan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com