Muudeey “Xildhibaano badan oo shaqo u taalo ayaa saakay ka dhoofay Muqdisho”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka C/Wlai Ibraahim Sheekh Muudeey ayaa sheegay in Xildhibaanada ay si iskood ah isku Fasaxeen iyadoo ay shaqooyin Culus uyaalaan.

Waxa uu sheegay in Xildhibaanada aysan Iman Kulmaada Golaha Shacabka, ayana iska Maqnaadaan iyadoo aan laga waqabin.

C/Wali Sheeklh Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in Saaka oo kaliya ay dalka isaga dhoofeen ku dhowaad 20 Xildhibaan iyadoo aan laga warqabin wax fasaxna aysan ka heysan Gudoonka Baarlamaanka.

“Xildhibaanada waxay galeen fasax aan Sharci aheyn waxayna wadanka ka dhoofeen saakay iyadoo shaqo u taalo Kalfadhigana uusan soo xirmin waana qalad iyo Shaqo Xumi” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in saakay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay ka dhoofeen ugu yaraan 20 xildhibaan hadane ay ka war haayaan Xubno kale oo safar ah.

“Saakay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho waxaa ka dhoofay 20 Xildhibaan kuwa kale ayaa maalmaha soo socda dalka ka baxaya walina ma xirmin Kalfadhiga Golaha waa iney soo laabtaan Xubnaha baxay iyo kuwa maqan” ayuu Yiri Guddoomiye Muudeey.

Golaha shacabka ayaa maanta ka doodayay hindise sharciyeedka xeerka Sharikadaha dalka Company Low,waxaana uu Guddoomiye Muuddeey ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com