Turkiga oo ka digay cadaadiska ay waddamada Khaliijka ku hayaan Soomaaliya

Istanbul (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mowlud Jawish Oglo,ayaa sheegay in Soomaaliya lagu hayo cadaadis xooggan oo ka dhashay mowqifkii ay ka istaagtay khilaafka dalalka Khaliijka.

Isagoo khudbad ka jeedinayay kulanka saxafiyiin ka socday 18 dal oo carbeed oo lagu qabtay Istanbul, ayuu sheegay in Soomaaliya lagu cadaadinayo in ay dhinac la safato, taas oo uu sheegay in aan la qaadan karin ayna tahay cadaalad darro.

Waxaa uu ku baaqay in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya,waxaa kale oo uu ugu baaqay waddamada Iskaashiga Islaamka iyo Carabta in ay isku meel ka soo jeestaan islamarkaana meel iska dhigaan khilaafaadka yar yar ee u dhaxeeya.

Waxaa uu ka digay in dalalka Soomaaliya ka mid tahay aan looga faa’ideysan daruufaha ay ku jiraan islamarkaana la ilaaliyo madaxbanaanida dalkasta uu leeyahay.

Khilaafka u dhaxeeya Xulafada Sucuudiga iyo Qadar ayaa saameeyay Soomaaliya,waxaana go’aanka dhex dhexaadnimada leh ee ay qaadatay khubarrada dhinaca diblomaasiyadda u fasireen in ay hiillo u tahay Qadar kana soo horjeeddo waddamada diiddan.

Arrintaas waxaa ay sababtay in Imaaraadka uu howlihii samafal iyo tababar Ciidan ee uu ka waday Soomaaluya uu joojiyo.

Dalalka Carabta iyo Islaamkana ayuu ugu baaqay in ay u midoobaan danaha istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya iyo iskaashi dhex mara halkii ay ku mashquuli lahaayeen khilaafaad gudahooda ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com