Maxaa kasoo baxay kulanka dhexmaray Michael Keating & Cabdiweli Gaas (Warbixin)

Garowe (Caasimada Online)- Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa Maanta oo ay taarikhdu tahay  12 May 2018 waxaa uu xafiiskiisa Kulan kula qaatey Wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulanka uu maanta laqaatey Danjire Michael Keating waxaa ku wehelinayey, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare, Wasiirka Caddaalada Iyo Arrimaha Diinta iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo booqashada uu Danjire Michael keating ku yimi Caasimada Dawladda Puntlane ee Magaalada Garoowe,

”Waxaa sharaf wayn noo ah maanta inuu halkaan nagu soo booqdo Wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating oo aysan ahayn markii ugu horeysay ee uu noo yimaado, marar badan ayuu halkaan noogu yimaadey, runtii markasta oo uu nooyimaado wanaagbay noo tahay anaga, sababtoo ah waxaan ka hadalnaa arrimo muhiim u ah Puntland iyo Soomaaliyaba, waxaan maanta ka wada hadalney geedi socodka nabadda Soomaaliyeed, waxaan kawada hadalanay arrimaha nabad gelyada iyo amniga dalka, waxaan kawada hadalna arimaha siyaasada,  horumarinta iyo sidii Soomaaliya horey ugu socon lahayd, dabcan shaqadiisa caadiga ahayd oo dalka meela badan oo kamida uu ku tagi jirey ayey ahayd, anagana wanaag bay noo ahayd, waxaa ka soo wareegtay lix bilood markii ugu danbeysay ee uu noo yimaado, markaa wixii isbadal ahaa ee dalka ka dhacay baa ugu muhiimsanaa iyo muhiimada ay leedahay Federaalisimka iyo dastuurka, arimahaasna kuli waan kawada hadalnay, markaa guul bay noo ahayd wadahadal kayaguna wuxuu ahaa mid ku dhacay jawi wanaagsan” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhinaca kale Danjire Michael Keating oo hadal kooban la wadaagay warbaahinta ayaa uga mahad naqay Madaxweynha Dowldda Puntland kulanka uu kula qaatey xafiiskiisa isla mar ahaantaan ku bogaadiyey Puntland horumarka baaxada leh ee ay ku talaabsatey mudada kooban ee uu xilka hayey, sidoo kalena Danjire Michael Keating ayaa sheegay in Madaxweynha Dowladda ay kawada hadleen arrimaha siyaasda Soomaaliya, Amniga gobolka iyo taabagalinta dumuqraadiyada oo uu sheegey in waxyaabihii ay kawada hadleen kusoo dhammaadeen jawi degan.

Ugu danbeyn Madaxweynha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegey in looga bahanyahay Qaramada Midoobey iyo beesha caalamkaba inay si dhow ula socdaan xaalada Soomaaliya, islamar’ahaantaana taakulooyinka iyo gar-gaarka binuaadanimada ee ay Soomaaliya soo gaarsiiyaan si dhex-dhexaadnimo ah loo soo gaarsiiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

DHAMMAAD

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com