Qarax lagu hoobtay oo ka dhacay Suuq mashquul badan oo ku yaalla Gobolka Sh/Hoose (Khasaaraha)

By Asad Cabdullahi Mataan

Afgooye (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray degaanka Buula-mareer oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay Qarax geystay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac.

Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa waxa uu galabta si gaara uga dhacay Suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla degaanka Buula-mareer.

Qaraxa oo dhacay xili uu suuqa ahaa mid aad u saxmad badan ayaa waxaa ku dhintay ilaa 5 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 6 qof oo kale, kuwaasi oo dhammaantood ahaa shacab.

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay Qaraxa ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla Degmada, waxaana ku jiray dad waayeelo ah oo suuqa ka ganacsan jiray.

Qaraxa oo ka dhashay Miino lagu aasay Suuqa ayaa waxaa la xaqiijiyay in loola dan lahaa ciidamo ka tirsan dowlada oo xiliga galbihii gaara Suuqa.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmaaya iyadoo laba Qarax oo hore ay ka dhaceen Gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan Degmada Walaweyn.

Dhinaca kale, waxaa maalmahani kordhay qaraxyada iyo weerarada ka dhaca Shabeellaha Hoose, ee lagu baabi’inaayo dadka shacabka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Afgooye

Caasimada@live.com