BFS oo ku kala aragti duwan Hal ku dhiga ‘’Nabad iyo Nolol’’ & Muudeey oo dhinac u jiheeyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudeey, ayaa maanta shaaca ka qaaday inaanu aqbali doonin in Dowlada Federaalka ah ee Somalia loogu wanqalaa ‘’Nabad iyo Nolol’’

Muudeey, waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan laheyn halka ku dhigga Nabad iyo Nolol, waxa uuna tilmaamay in hal ku dhigaasi ay yeelankarto keliya Xukuumada Somalia.

Muudeey, waxaa uu sheegay in marnaba aysan dowladda Soomaaliya noqon karin Nabad iyo Nolol, balse  xukuumadda kaliya ay adeegsankarto hal ku dhigaasi.

‘’Ma aqbaleyno in dowlada Somalia loogu wanqalo Nabad iyo Nolol, waxaa ugu dhow oo aan dhihikarnaa Nabad iyo Nolol waa Xukuumada Somalia’’

Waxaa uu sheegay Muudeey in Magaca dowladda Somalia loo yaqaano uu yahay dowladda Federaalka Soomaaliya maadaama dowladu ay tahay mid ka dhexeysa Umadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu mar kale kusoo celshay “Dowladda Nabad iyo Nolol ma ahan, Xukuumadda Nabad iyo Nolol iska dhaha hadaad rabtiin, laakiin dowladda waa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”

Sidoo kale, Xildhibaan Fiqi ayaa isna sheegay inuu qabo in Nabad iyo Nolol aan la orankarin Dowlada Federaalka ah ee Somalia, hase ahaatee la orankaro keliya Xukuumada Somalia.

Fiqi wax uu tilmaamay in Nabad iyo Nolol aan la orankarin Dowlad kawada dhexeysa Soomaalida, waxa uuna ku taliyay in magacaasi ay ka fiirsadaan Soomaalida.

Waxaa jira Xildhibaano farabadan oo ka tirsan baarlamaanka Somalia kuwaa oo qaba in guud ahaan Dowlada Farmaajo iyo Xukuumada Kheyre leysku dhaho ‘’Nabad iyo Nolol’’ isla markaana dalka uu xiligaan Hogaamiyo hal xisbi.

Dhinaca kale, Xildhibaanada baarlamaanka ayaa u muuqda inay isku khilaafsan yihiin halka uu munaasib ku yahay hal ku dhiga Nabad iyo Nolol.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com