Madaxda maamulada oo ku qul qulaaya magaalada Beydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koofur Galbeed laga dareemayaa qabanqaabo loogu jiro soo dhaweynta Madaxda maamul goboleedyadda dalka.

Garoonka magaalada Beydhabo ayaa waxaa ku qulqulaaya mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, Saraakiisha Ethiopia ee Baydhabo iyo qeybo kale oo soo dhaweynaaya Madaxda maamul Goboleedyada.

Qaar kamid ah Hogaamiyayaasha maamulada ayaa saaka ku wajahan magaalada Beydhabo, oo ay hadda ka socdaan diyaar garow loogu jiro soo dhaweynta.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu waddaa inuu ka furmo Shirka Madaxda maamul goboleeyadda oo uu marti galiyay Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shirkaan oo ahmiyad gaara u leh maamulada ayaa waxaa diirada lagu saarayaa Khilaaf Siyaasadeedka Dowlada Federaalka kala dhexeysa Maamul Goboleedyada, Khilaafka Imaaraadka iyo Dowlada, waxaana sidoo kale lagu qeexi doonaa go’aanka maamulada kaga aadan Khilaafkaasi.

Shirkaan ka furmaaya magaalada Beydhabo waxa uu noqon doonaa shirkii 2aad oo magaaladaasi ay ku yeeshaan Hogaamiyayaasha maamul goboleedyadda oo ku mideysan dalladda Golaha Iskaashiga dowlad goboleeyadda.

Sidoo kale, Shirkaan ayaa waxaa marka uu dhamaado laga soo saari doonaa War-murtiyadeed lagu bayaaninaayo qodobada ay ku heshiiyeen Hogaamiyayaasha, waxaana kamid ahaan doona Mowqifka Hogaamiyayaasha ee arrimaha Khilaafka.

Ma cadda in Hogaamiyayaasha maamulada ay si wada jira uga qeybgali doonaan shirka iyo inuu ka baaqan doono Hogaamiyaha HirShabelle oo deegaankiisa ay ka jiraan dhibaatooyin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com