C/Weli Gaas “Marka hore DF Somalia ha qaadato dhaliilaha loo jeedinaayo”

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Dowlad Somalia ay dayacday dhageysiga dhinacyada kasoo horjeeda ama kuwa dhaliilsan Siyaasadeeda.

Cabdiweli Gaas, waxa uu sheegay in Madaxda ugu sareysa dalka laga doonaayo inay furaan dhagahooda, isla markaana dhageystaan wixii dhaliila ee loo jeedinaayo.

Waxa uu Cabdiweli Gaas cod dheer ku sheegay in Dowlada Somalia aysan dhageysan tallooyinka iyo dhaliilaha loo jeedinaayo, waxa uuna talaabada ceynkaasi ah ku sheegay mid ka fog Siyaasada.

‘’Wey adag tahay inuu imaado Isfahan marba haddii aanu jirin tallo kala qaadasho iyo dhageysiga haddii ay jiraan dhaliilo loo qabo Dowlada, anigu ma arag Dowlada oo qaadaneysa dhaliisheeda waxaan qabaa in dowladu ay bedesho Siyaasada ay ku dhaqeyso dalka’’

Cabdiweli Gaas, waxa uu tilmaamay in Madaxda dowlada laga doonaayo jilicsanaan iyo wada shaqeyn ay la yeeshaan dhammaan dhinacyada ku mideysan Siyaasada dalka iyo kuwa dhaliisha muujinaaya, waxa uuna meesha ka saaray inuu jiro wada shaqeyn.

Cabdiweli Gaas, ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu magaalada Garoowe kula qaadanaayay mas’uuliyiin iyo Siyaasiyiin dhowr ah, waxa uuna arrintaani ku keenay su’aal laga weydiiyay sida uu xiligaan yahay xiriirka dowlada Somalia kala dhexeeya dhinacyada kale ee Siyaasada qeybta ka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Hadalka Cabdiweli Gaas, ayaa kusoo beegmaaya xili uu dowlada Somalia khilaaf kala dhexeeyo Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com