Xog: Maxaa kala socotaa qorshaha socdaal ee Sheekh Shariif uu ku tagay India?

Muqdisho (Caasimada Online) –Wararka naga soo gaaraya dalka India, gaar ahaan magaalada Hyderbad ayaa sheegaya in halkaa uu ku sugan yahay Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif ayaa dalka India kusii nagaan doona maalmaha soo socda, waxaana lasoo sheegayaa in halkaa uu ku mari doono baaritaano Caafimaad.

Illo wareedyo ku sugan magaalada Hyderbad qeybna ka ahaa dadkii soo dhaweeyay, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif uu India u imaaday arrimo la xiriira caafimaadkiisa, isagoo sidoo kale la kulmi doona ardayda wax kabarata India.

Illo wareedka ayaa intaa kusii daray in Sheekh Shariif uu dalka India sii joogi doono maalmahaan, waxa uuna mudada ugu badan joogitaankiisa uu noqon doona mid ku mashquula arrimo Caafimaad oo aasaasi u ah Safarkiisa India.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa ardayda u ballanqaaday inuu siin doono wakhti ku filan oo ay ku kala warqaadi doonaan, waxa uuna ka gaabsaday ujeedkiisa socdaal ee dalka India, markii laga reebo shaqsiyaad gaara oo uu la wadaagay socdaalkiisa.

Sheekh Shariif ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda dalka India oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha dalkaasi, waxa uuna kala hadli doonaa xaalada Somalia, Ardayda iyo arrimo kale oo khaas ah.

Dhinaca kale, Madaxda Soomaalida ayaa inta badan arrimo Caafimaad u aada wadamada India iyo Maleesia oo la rumeysan yahay inay ku hor mareen caafimaadka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com