Xog: Muxuu ku qotomaa socdaalka Farmaajo ee magaalada Dooxa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa inuu usocdaalo Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa socdaalka ku wehlin doona tirro Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee dalka.

Madaxweynaha oo casuumaad ka helay dhigiisa dalka Qadar ayaa waxa uu magaalada Dooxa kula kulmi doonaa Madaxda ugu sareysa dalkaasi waxa uuna halkaa kusoo gali doonaa Heshiisyo uu lasoo saxiixan doono dhigiisa.

Wasiirada wehlin doona ayaa sidoo kale soo gali doona Heshiisyo ay kamid yihiin ganacsiga, horumarinta iyo amniga.

Sidoo kale, Warbaahinta dowladda Qadar ayaa hadal heysa Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagi doona Magaalada Dooxa.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera dowladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waa Safarkii Labaad ee uu madaxweyne Farmaajo ku taggo qadar tan iyo Markii la doortay.

Dhinaca kale, Safarka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xumanayo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com