Xog: Axmed Madoobe iyo Gaas oo wada qorsho lid ku ah DF aasaasna u ah 5 qodob

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxa uu Khilaaf Siyaasadeed xiligaani ka dhextaagan yahay Dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Khilaafkan ayaa curtay wixii ka danbeeyay go’aanka ay dowlada Somalia ka qaadatay xiisada Qadar kala dhexeysa xulafada Sacuudiga sida Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn.

Khilaafka Dowlada iyo Maamul Goboleedyada aan kor kusoo xusnay ayaa xoogeystay kadib markii labada maamul Goboleed ay qaadaceen go’aan ay dowlada Somalia ku qabsatay dhaqaale xoogan oo Imaaraadka Carabta ay dooneysay in dalka ay kasoo galiso dhanka Garoonka Aadan Cadde, taa oo gashay gacanta Hay’adda NISA.

Hogaamiyayaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland C/weli Gaas oo ka duulaaya go’aanada Dowlada ayaa sheegay inaanu aqbaleynin in dowlada Somalia ay kaligeeda ku dhaqaaqdo go’aan latashi la’aan ah.

Madoobe iyo Gaas, ayaa wixii intaa ka danbeeyay bilaabay aasaaska xulafo kasoo horjeeda Dowlada Somalia oo lagu eedeeyay inay ka weecatay la dhaqanka Dowlada Imaaraadka Carabta.

Qorshaha hadda socda ee labada Hogaamiye ayaa ah in isbaheysiga uu aasaaskiisa socdo lagu biiriyo Hogaamiyayaal kale oo ka taliya maamul Goboleedyada ka jira dalka, Siyaasiyiin Mucaarad ah oo uu kamid yahay C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka balse kasoo horjeeda Dowlada Federaalka.

Qorshaha cusub ee Hogaamiyayaasha ayaa waxaa gadaal ka riixaaya Dowlada Imaaraadka Carabta oo iyadu sabab u aheyd khilaafka Dowlada iyo maamul Goboleedyada hadda isbaheysanaaya.

QODOBADA AASAASKA U AH ISBAHEYSIGA AY DHISAYAAN LABADA HOGAAMIYE AYAA KALA AH:

1-Is hortaaga qorshooyinka Dowlada Federaalka oo dhan waliba ah.

2-Khilaaf u abuurida Dowlada Federaalka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo la fulinaaya rabitaanka Dowlada Imaaraadka.

3-Kala ququbida Dowlada iyo Shacbkeeda, iyadoo laga shaqeynaayo muujinta ciladaha yaryar ee dowlada, sida uu qorshuhu yahay.

4-Adeegsiga warbaahinta xorta ah si dowlada loo dareensiiyo xiisada ay abuureyso Imaaraadka oo khilaaf kala dhexeeya.

5-In shacbiga laga jeediyo Nabadda iyo Midnimada, isla markaana loo jiheeyo jihooyin kale oo mugdi galinaaya xasiloonida dalka.

Sidoo kale, dhismaha Isbaheysigaan ayaa waxaa kaalin weyn ka qaadaneysa Dowlada Ethiopia oo qeyb ka ah Heshiiska lagu dhisaayo Dekada Berbera oo ay ku mideysan yihiin Imaaraadka, Ethiopia iyo Somaliland, waxaana xusid mudan inay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan BFS oo heysta dhalasho Ethiopian ah.

Hogaamiyaha Jubbaland ayaa dhawaan gaaray magaalada Addis Ababa waxa uuna halkaa kula kulmay Ra’isul wasaaraha dalkaasi oo ay kawada hadleen arrimaha Dekadda Berbera iyo mowqifka ay ka qaadatay Dowlada Somalia iyo weliba sida lagu carqaladeyn lahaa Dowlada hadda jirta ee loo arko inay caqabad ku tahay danaha Imaaraadka iyo Ethiopia.

Sidoo kale, Hogaamiyaha Puntland C/weli Gaas ayaa isna lagu wadaa in maalmaha nagu soo aadan uu gaaro magaalada Addis Ababa, si looga soo saxiixo qodobo hoosaad uu horay usoo saxiixay Axmed Madoobe.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladaha danaha ka leh Somalia ee la hor istaagay ayaa u muuqanaaya inay u kala hormarayaan xoojinta xiriirka Jubbaland iyo Puntland oo iyagu u saaxiib ah damac dhaqaale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com