Madaxweyne Farmaajo oo goordhow u duulay dalka Qatar

Muqdisho (Caasmadda Online) – Madaxweynaha Jamhooriyadda Federaalka Soomaalia Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow u ambabaxay Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar.

Mudane Maxamed C/llaali Farmaajo oo magaalada Dooxa uga bilabaneyso Booqasho rasmi ah oo qaadaneyso labo maalmood ayaa la kulmi doono Amiirka Dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa yiri” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar , waxaana uga bilaabaneysa booqasho rasmi ah oo laba maalin ah, isagoo la kulmi doono Amiirka Dalka Qatar. waxaana Socdaalkiisa ku wehliya Xubno ka tirsan Golaha Wassirada oo iyagana kulan la qaadan doona dhiggooda Qadar”

Xubnaha Golaha Wasiirada ee la socda Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala ah Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ,Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirka Qorsheynta oo wafdiga Madaxweynaha uga sii horeeyay Dalka Qadar.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Qatar ayaa ku soo aaday, iyadoo xiisada khaliijka ay saameyn ku yeelatay Soomaaliya, iyadoo xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu xumaaday, waxaana muuqata in dowladda ay la kulantay cadaadisyo xooggan oo ka dhashay khilaafka Khaliijka ee kol hore ay ka qaadatay mowqif dhex dhexaad ah.

Hase ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilaa in aysan muuqan dhex dhexaadnimadeeda, marka la eego sida Madaxtooyada ay aad ugu dhow dahay Qatar iyo kaalinta muuqata ee ay xilligan ku leedahay siyaasadda Soomaaliya, iyadoo lagu xanto in doorashadii uu ku guuleystay Madaxweyne Farmaajo taageero dhaqaale ka geysatay, sidoo kale Agaasimaha Madaxyooyada Fahad Yaasiin oo xilligan lagu tilmaamo nin awood badan ku dhex leh dowladda uu yahay xiriir dhow la leeyahay Qatar.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Qatar ayaa noqonaya kii labaad oo uu ku tago dalkaas, iyadoo sanadkii hore ay aheyd markii uu booqasho rasmi ku tagay, ka hor inta uusan bilaaban khilaafka dowladaha Khaliijka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com