Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo arrin dhab ah ku tilmaamay Israa’iil

Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa eedeyn ba’an u jeediyey Yuhuudda, siagoo ku eedeeyey inay colaad ka hurinayso Bariga dhexe.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in duqaymihii ugu dambeeyey ee ay israaiil ka gaysatay saldhigyo ay Iiraan ku leedahay gudaha dalka Suuriya ayuu si weyn u cambaareeyay falka Israel ku kacday, isagoo sheegay inn Israel ay si joogta ah cabsi uga abuurayso gobolka Bariga Dhexe.

Madaxweynaha ayaa su’aal galiyey in dhacdooyinkaan ay faraha ka bixi karaan asagoo sheegay in ay tahay su’aal meesha kujirta. Wuxuu sheegay in Israaiill ay Suuriya ku gantay in kabadan 50 gantaal. Sababtuna ay tahay kicin dagaal kaqarxa gobolka.

Isagoo lagu wareystay Barnaamijka Hardtalk ee BBC-da ayuu intaas ku daray in Israaiil ay si joogto ah u cabsi galinayso bariga dhexe. Waa tallaabo kale ayuu yiri oo dowlad argagixiso ah ay u qaaday dhinaca argagixisnimada. Loomana dulqaadan karo falalka caynkaan, wuxuu is-waydiiyey sababta ay israaciil ay u adeegsatay gantaalahaan, iyo waxa uu yahay hadafka ay rabaan in ay ka gaaraan.

“Waxaan la hadlay madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani, mana ay aqblayaan dhacdooyinka noocaan ah, sidaas darteed sax maahan inaad hoos u dagto. Tallaabooyin ku aaddan dhanka nabadda ayaa loo baahan in si dagdag ah loo qaado. Haddiise aan sidaas la yeelin, mustaqbalka bariga dhexe wuxuu galayaa dhibaato hor leh. Waa inaan xal u helnaa xaaladda taagan” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan

” Dalalka reer galbeedka waxaa looga baahan yahay in ay dib u eegaan habdhaqankooda u aaddan gobolka gaar ahaan Suuriya. Waxaan ka walaacsanahay hawgallada laga fulinayo gobolkaan bariga dhexe, gaar ahaan Maraykanka, iyo Britain, Jarmalka, iyo dalal kale, taas oo xaaladda uga sii dari karta” ayuu sii raaciyey.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com