Axmed Madoobe oo xayiraad ku soo rogay shirarka odayaasha dhaqanka

Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in amar ka soo baxay maamulka Jubaland xayiraad lagu soo rogay Shirarka Odayaasha kasoo jeeda degaannada Jubaland ku yeelan jireen degaanada maamulkaasi.

Amarka ayaa lagu sheegay inaan la qaban karin shirar aanu ogeyn maamulka Jubbaland. Kulan ay yeesheen madaxda Maamulka Jubaland oo uu ka mid yahay Axmed Madoobe ayaa Odayaasha looga digay inay isugu yimaadaan shirar aanay fasax uga heysan maamulka.

Agaasime ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland C/raxmaan Xaaji Axmed sheegay in Odayaasha Dhaqanka ay ka tirsan yihiin ayna hoostagaan Wasaaradda arrimaha gudaha Jubaland, sidaas darteedna aysan qaban karin shir aysan wasaaraddu la socon.

C/Raxmaan waxaa uu sheegay in Odayaasha Dhaqanka ay ka tirsanyihiin oo ay hoostagaan Wasaaradda arrimaha gudaha Jubaland sidaas darteedna aysan qaban karin shir aysan wasaaraddu la socon.

Waxaa uu ugu baaqay in ka hor shirka ay warqad fasax ah ka qaataan Wasaaradda arrimaha gudaha iyaga oo sheegaya ujeedada kulanka iyo waxa laga damacsanyahay.

Arrintan ayey Odayaasha qaar ku tilmaameen cabburin Maamulka Jubaland uu ku sameynayo Odayaasha dhaqanka ee degaanka,iyada oo hadda uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Jubaland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com