Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa haatan wada qorshe ballaaran oo uu isbeddal ugu sameeynayo maamukiisa, kaas oo durbaba sameeyay mas’uuliyiin ka tirsanaa gobolka.
Muungaab oo maanta wareegto soo saaray ayaa ayaa Mudane Maxamed Cabdullaahi Abubakar (Dhaaley) u magacaabay agaasimaha xafiiskiisa, isaga oo xilkii ka qaaday Ismaaciil Cali Sheekh Nuur oo horay u hayay xilkaasi.
Sidoo kale, duqa Muqdisho ayaa xalay Liibaan Cali Maxamed u magacaabay guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, iyada oo xilka laga qaaday Marwo Seynab Maxamuud Warsame oo muddo dheer soo hoggaamineysay degmadaasi.
Guddoomiyaha ayaa mas’uuliyiinta uu magacaabay kula dardaarmay in uu mudnaanta koowaad ay siiyaan harumarinta, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah.
Waxaa kale oo uu horay guddoomiyaha gobolka xilalkii uga qaaday guddoomiyeyaasha degmooyinka Dharkenley iyo Waabari, wuxuuna u magacaabay kuwa kale oo cusub.
Isbeddalla ayaa weli sii socon doono, waxaana qorshuhu yahay in isbeddalka uu gaaray degmooyin horleh oo ku yaalla caasimada, si ula jaanqaadaan soo laabashada Muungaab.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya is bedelka cusub ee uu wado Muungaab, balse wararka ugu badan waxay sheegayaan in qiimeyn kooban oo uu guddoomiyuhu sameeyey ay ku fashilmeen guddoomiyeyaasha uu illaa iyo hadda ka qaaday xilalka.
Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si dardar leh u shaqeynayey tan iyo markii uu xilka la wareegay, waxaana lagu tilmaamay nin aad u garanaya shaqada loo dhiibay iyo hoggaaminta gobolka.
Si kastaba ahaatee, Muungaab ayaa xilkan horay usoo qabtay waxaana guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho loo magacaabay sannadkii 2014, isaga oo intii uu hayay ku guuleystay hirgelinta qorsheyaal dib-u-habeyn ah oo lagu hagaajinayay maamul-wanaagga, nadaafadda magaalada, iyo amniga Muqdisho.
Waxaa kale oo uu horay usoo noqday guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo xilligaas caan ku noqday adkeynta sharciga iyo la dagaalanka dambiyada la xiriira amniga qaranka.