Guddoomiye Muuse Geelle oo shaaciyey sababta uu liiska uga reebay kursiga Fahad

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal ee Soomaaliya ayaa habeen hore fiidkii shaaciyay liiska xildhibaannada illaa hadda ku soo baxay doorashada labada aqal ee Soomaaliya, ayada oo maantana guddiga uu billaabay bixinta shahaadada xildhibaannimo.

Si kastaba, Muuse Geelle Yuusuf ayaa abuuray xiisad siyaasadeed kadib markii uu sheegay in 4 kursi la hakiyay shaacinta natiijadooda, kuwaas oo uu sheegay inay wax ka khaldanaayeen habraacyadii loo maray. Waxaana ay xubnahaasi kala yihiin:

1- Fahad Yasiin Xaaji Daahir – HirShabelle – Rer Aw xasan
2- Maxamed Cali Xasan – Koonfur Galbeed – Eelay
3- Sareedo Maxamed Cabdalla – Koonfur Galbeed – Hadamo
4- Isaaq Cali Subag – Koonfur Galbeed – Jiroon 

Muuse Geelle Yuusuf oo BBC-da wareysi siiyay ayaa sheegay in liiskan uusan ahayn liiskii kama dambeysta ahaa, dibna loo shaacin doono marka 30-ka dhiman la soo dhameystiro. 

Maxaa ka jira in guddoomiye Muuse Geelle ay xaafiisyo kale cadaadis ku saareen in kursiga Fahad Yaasiin liiska ka reebo?

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sababta Kursiga Fahad Yaasiin looga reebay Liiska xildhibaanada la shaaciyay ay tahay in inay wax ka khaldanaayeen habraacyadii loo maray.

”Aniga nin oday baan ahay cidna cadaadis ima saari karto, wixii doorashadaas lagu sixi karana waa lagu saxayaa marka hadaladaasi ku tiri kuteenka ah inaad i weydiiso xaq uma lahayn,” ayuu yiri.

Sababta ay horay ugu sixi waayeen intii ay doorashada socotay maxay tahay?

Guddoomiyaha ayaa sheegay in haddii hadda la soco iyo horay loo sixi lahaaba ay isku mid tahay oo ay guddiga u taallo hawshaas.

Dhanka kale liiska uu gudoomiyaha shaaciyay waxaa gaashaanka u daruuray xubin isla guddigiisa ka tirsan oo ku doodaya in si ulakac ah uu gudoomiyuhu uga reebay xubno lagu soo doortay si waafaqsan habraacyadii doorashada.

Dhinaca kale, guddoomiyaha oo ka hadlay sababta ay xilligaan ugu soo beegeen shaacinta liiska iyadoo weli ay dhiman yihiin doorashayoonkii ka dhici lahaa, Baledweyne iyo Garbohaarrey ayaa waxa uu ku jawaabay: ”In dastuurka qodobka 89 uu ogolaanayo in haddii uu kooramka buuxsamo liisaska la gudbin karo shahaadooyinka la siin karo lana xareyn karo xildhibaanada la doortay, haddii la dhameyn waayana xitaa afhayeenka la dooran karo.”