Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa degreetadiisii ugu horeysay ka dhigay inuu wax ka badalo magaca Gobolka Banaadir.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in Guddoomiyuhu uu isku bedelay xarfaha A iyo E. magaca “Banaadir”, kaasoo dhamaan waaxyaha dowladda Hoose la faray inay adeegsadaan “Benaadir”.
Wareegatada oo uu ku saxiixnaa Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu faray in dhamaan waaxyada kala duwan ee dowladda hoose Xamar ay wixii hadda ka dambeeya adeegsadaan qaab qoraaleedka “Benaadir”
Arrintaan ayaa noqotay saameynta ugu badan baraha bulshada ku sheekeysato iyo wakaaladaha wararka, waxaana la is waydiinyaa baahida keentay in Magaca laga badalo Gobolka Banaadir.
Haddaba halkaan hoose ka aqriso waraaqdii kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

