Qorsho ceynkee ah ayaa laga damacsan yahay dhismaha dekadda Boosaaso?

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay wadaan qorsho Dekadda magaalada Boosaaso looga hormarinaayo Dekadaha Caalamka.

Maamulka ayaa sheegay in Dekadda Boosaaso loo dhameystiri doono dhammaan adeegyada Dekadaha kale ee caalamka.

Axmed Cali Cismaan Karaash, Wasiirka Arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo hormarinta reer miiga ee Puntland, ayaa tilmaamay in qorshaha uu yahay in Dekadda Boosaaso ay bilic ahaan ka fiicnaato Dekadda Muqdisho iyo Dekadaha kale ee adduunka.

Waxa uu sheegay in Dekedda Boosaaso ay ka mid noqon doonto dekedaha waaweyn ee caalamiga, islamarkaana tilmaamay inay rajo ka qabaan mustqabalka dhow inay hormarto dekedaasi.

”Qorshaheena waa mid fog waxaan dooneynaa in Dekadda Boosaaso ay bilic ahaan ka fiicnaato tan Muqdisho iyo kuwa kale ee adduunka”

Axmed Cali Cismaan Karaash, ayaa sidoo kale carab dhabay in Puntland ay ka fiirsan doonto Hanaanka shaqo ee Dekadda waxa uuna meesha ka saaray in Dekaddu ay ku ekaan doonto howlo yar.

Haddalka Axmed Cali Cismaan Karaash, ayaa kusoo beegmaayo iyadoo la filaayo in wakhtiyada nagu soo aadan si toos ah u bilaabato dhismaha Dekadda.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com