Beledweyne: Xildhibaano iyo wasiiro halis galay iyo Banaanbax rasaas isku badalay

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in banaanbax maanta halkaasi ka dhacayay uu isku badalay rabshad.

Banaanbaxa ayaa waxaa waday dad taageersan maamulka HirShabeelle kana soo horjeeday mamnuucida diyaaradihii Khat-ka geyn jiray magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ay mamnuucday dowladda Soomaaliya.

Intii banaanbaxaasi socday ayaa waxaa banaanbax kale dhigay dad is abaabulay oo taageersan dowladda Soomaaliya kana soo horjeeday banaanbaxa ka dhacaya magaalada Beledweyne.

Waxayna arintaasi qasabtay in ciidamada amaanka ay rasaas ku furaan shacabka banaanbaxa dhigayay ee taageersan dowladda Soomaaliya, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Xildhibaano ka tirsan maamulka HirShabeele iyo wasiiro ayaa halis ku galay rasaasta ay rideen ciidamada amaanka, waxaana goobta ku sugnaa guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com