26.6 C
Mogadishu
Saturday, November 15, 2025

Wareegto kasoo baxday Thaabit oo lagu magacaabay golaha amniga gobolka Banaadir

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wareegto lagu magacaabay Golaha Amniga Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah uga soo baxday guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed, kuwaas oo ka shaqeyn doono xasiloonida Caasimadda iyo sugida amniga.

Cabdifataax Cumar Xalane oo ah Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa saxaafadda u akhriyey wareegtada kasoo baxday Guddoomiyaha Gobolka, waxayna golaha amniga la shaqeyn doonaan hey’adaha amniga xukuumadda Soomaaliya.

Thaabit Cabdi Maxamed ayaa guddoomiye u ah guddiigaan laga dhawaajiyey inay ka shaqeyn doonaan sidii Muqdisho looga soo celin lahaa amnigii ay caanka ku aheyd.

1- Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga

2- Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir

3- Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Qaranka

4- Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska

5- Taliyaha Nabadsugida

6- Taliyaha Qeybta 12-ka April ee Ciidamada Xoogga dalka

7- Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Golahaan ayaa si toos ah uga shaqeyn doono amniga Gobolka Banaadir iyagoo isku duwi doono hey’adaha amniga Gobolka, waxayna noqoneysaa arrintaan mid kusoo aaday xilligii loo baahnaa.

Guddigaan camal waxaa horey u magacaabay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Muungaab, lamana qiyaasi karo waxa uu golahaan uga duwanaan doono midkii hore, inkastoo golaha ay  xubno ka yihiin Xeer Ilaaliye kuxigeenka, Taliyaha qeybta 12-ka April, Taliyaha Xabsiga.

Tallaabadaan uu qaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa noqneyso mid amniga Muqdisho wax ka qaban karto, haddii loo shaqeeyo si daacad ah isla markaasna la go’aansado in si mas’uuliyad ku dheehan tahay luu sugo amniga.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

- Advertisement -

Read more

Local News