26.6 C
Mogadishu
Saturday, July 5, 2025

Raali noqo Ex Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Bookmark
Bookmarked

Share

Qormadan ayaan jeclaystay in aan lawadaago dhammaan Xildhibaanada iyo shacabka Soomaaliyeed, maadama aan ka mid ahaa shakhsiyaadkii aadka ugu dheereyd in dalku is bedel ka dhaco.

Qormadaydan ayaa u kala qaybin doonnaa dhawr qaybood oo ay ila haboonaatay in aad ila wadaagtan.

Ex Madaxweyne Xasan ayaa waxaan shakhsi ahaan iskala tirsanaan jirnay xisbi oo aan iska casilay, sababo la xariiray kala aragti duwnaashiyo.

Dhaliilaha faraha badan ee aan ka qabay intii uu xukunka dalka haayay ayaa ahaa kuwa markaa jiray oo aniga iyo saaxibo badanna ay ila qabeen.

Ex Madaxweyne Xasan ayaan ka qoray waqtigiiisii gebagebada ahaa maqaalo aan ku cabirayay aragtida aan ka qabay habka uu markaa dowladdiisa ay wax u maamuleysay.

Maqaallada aan ka qoray ayay kala ahaayeen kuwa isugu jira tusidda dol dolleelaha, markaa aragti ahaan aniga ii muuqanayay.

Maqallada ayaa waxaa ka mid ahaa: –

*(Waqtiga iyo waayihiisa maanta maxaa nala gudboon) oo aan ula jeeday qeexidda dul duleelaha jira bal qormadada ku qeex.

*(Dal dadkiisu deg degay iyo damac damiir beelay) qormadaa ayaa shacabka aan kamidka ahaa iyo dowladdii ex Madaxweyne xasan ku qeexay sida ay iila muuqatay.

*(Madaxweyne Muqdisho Maqaamkedii Meel kusheeg) maqaalkaa ayaan Ex Madaxweyne Xasan ugu baaqayay in reer Muqdisho ay helaan xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda dhexe.

*(Talo arbaco ku dhaaftay khamiis kama gaari doontaan) oo ahaa baaq wayn oo aan saaxiibadayda Xildhibaannada aan ugu baaqayay in ay sameeyaan isbadal taasoo suurta gashay.

Waxaa suura galay is bedelkii aan rabnay oo ahayd doorashadii 8/02/2017 xukunkana uu la wareegay Madaxweyne Farmaajo oo shacab aad u tira badan ay ku farxeen, iyadoo dunida dacaladeeda laga wada dareemay.

Waxaa xafiiska Madaxtooyada lagu qabtay soo dhawayn aan dalka horay uga dhicin, oo uu Ex Madaxweyne Xasan Sheekh uu aad uga shaqeeyay, waxaa halkaa qudbado kakala jeediyay Ex Madaxweyne Xasan iyo Madaxweyne Farmaajo oo aad u qiima badnayd inkastoo Madaxweyne Farmaajo qudbaddiisa ay kujirtay in dalka 26 aysan dowlad kajirin .

Ujeedka maqaalkaygan:-

Dowlad weliba ee dalka l awareegta ayaa mutaysanaysay ammaan iyo dhaliilo, taaaso muwaadin kasta sida uu u arko qeexo, hadba sida ay la tahay.

Dowladda hadda jirta ee shacabka sida aan looga baran ugu farxay ayaa waxay wajahday muddo billo ah in dhaliisheeda ay shacabkii farxadda badnaa ku kala aragti duwnaadaan.

Halkaa marka ay marayso ayaan waxaan qiimeeyay dowlad kasta ee dalka soo marta ay tahay midba midda ka danbaysa Allow bedel khayr qaba ay yiraahdaan dadka qaarkii halka kuwa kalana ay ayaguna ay yiraahdaan Allow noo dhaaf, taasoo aan aniga u arko in ay sabab u yihiin qodobadan: –

1- Hoggaanka dalka qabanaya oo aan wadan qorshe haggi kara dad sanado badan dagaallo sokeeye dhax marayay.

2- Dastuurka dalka oo aan dhamaystirnayn iyadoo laga hormariyay federal aan sharci dhamaystiran haysan.

3- Qodobka ugu adag ayaa ah madaxdu in ay badanaa wajjahaan nin jecleysi, iskooxaysi iyo isticmaalidda sumadda ugu adag ee ah aaminidda heeyb ahaaneed.

Gunaanad

Ka dib marka aan qiimeeyay intaas oo marxaladood ayaan garaystay in aad maqaalkaa ila wadaagtaan taasoo igu dhalisay in Ex Madaxweyne Xasan umudnaateeda leeyahay.

Fiiro gaar ah:

Ujeedkaygu ma’ahan hoggaan jeclaysi, laakiin waa tusaalayn u baahan isi saxid, si’aan u xusno hoggaan kasta mudnaantiisa.

Mahadsanidiin
Hassan Abdikadir Mudey

- Advertisement -

Read more

Local News