AMISOM oo durba jibisay amarkii guddoomiyaha gobolka Banaadir (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wallow uu amar soo saaray guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa durba saaka ciidamada AMISOM waxay jibiyeen amarka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Amarkaasi ayaa dhigaya in ciidamada AMISOM aysan adeegsan wadada Maka Al Mukarama xiliga maalintii ah, waxaana durba saaka la arkayay gaadiidka AMISOM oo wadada adeegsanaya.

Labo kamid ah gaadiidka AMISOM ayaa lagu arkay abaaro 08:00 am ee saaka iyaga oo adeegsanaya waddadaasi, waxaana la ogeyn sida ay u dhaqan gelin doonaan amarka cusub ee kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Gaadiidka AMISOM ayaa marar badan dhibaato u geystay dad shacab ah oo ku sugnaa hareeraha waddada Maka Al-Mukarama, waxaana laga war dhowrayaa go’aanka ay qaadan doonaan taliska AMISOM.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET