R/W Kheyre oo magacaabay xil uu doonayo inuu ku qanciyo beesha Habargidir

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Maalmihii dambe Xildhibaanada iyo Odayaasha Beesha Habargidir ayaa waday shirar ay uga tashanayaan aayahooda kadib markii ay sheegeen inay dowladda Soomaaliya bilowday inay meesha ka saarto dhammaan xilalkii ay dowladda ka heysay Beesha.

Haddaba midaas ayaa keentay inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre magacaabo xil uu doonayo inuu ku qanciyo beesha Habargidir, maadaama uu horey xilkii uga qaaday Hanti dhowrihii qaranka iyo Agaasimihii guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo labadaba kasoo jeedo Habargidir.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa  mareeye ku xigeenka koowaad ee Dekadda Muqdisho u magacaabay Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo horey looga qaaday xilka guddoomiye ku xigeenkii gobolka Banaaadir.

Yaabooh ayaa waxaa dhalay mid kamid ah nabadoonada ugu Magaca weyn Habargidir kaasoo lagu magacaabo Axmed Diiriye Cali oo kamid ah Odayaasha Hawiye, wuxuuna Ra’isulwasaaraha doonayaa inuu gaashaan uga dhigto ololaha ay beeshaan uga soo horjeedaan dowladda Soomaaliya iyo xil ka qaadistii ay ku sameysay Hanti dhowraha Qaranka.

Axmed Maxamed Washington ayaa horey loogu magacaabay inuu noqdo Maareeyaha Dakadda Muqdisho oo la sheegay inuusan awood buuxda ku laheyn, maadaama ay taliska Dakadda gacanta ku heyso shirkadda Albayrak ee Turkiga ah .

Ra’isulwasaaraha ayaa doonayo inuu iska yareeyo culeyska ay beesha Habargidir ku heyso dowladda, waxaana laga yaabaa inaysan ku qancin, maadaama xilka loo magacaabay uusan aheyn mid loo heli karo awood buuxda iyadoo la ogyahay iny Dakadda Maamusho shirkadda laga leeyahay Tukiga.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET