Xog: Maxaa u sabab ah in Kheyre uu xil cusub u magacaabo wiilka Axmed Diiriye ?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu magacaabay Maareeye ku-xigeenka koowaad ee Dekeda Muqdisho.

Warar hoose oo aan ka heleyno Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa sheegaya in Maareeye ku-xigeenka koowaad ee Dekeda Muqdisho loo magacaabay Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Yabooh oo loo magacaabay xilka Maareeye ku-xigeenka koowaad ee Dekeda, ayaa horay u ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Gobolka Banaadir.

Maareeye ku-xigeenka koowaad ee Dekeda Mr Yabooh, ayaa waxaa dhalay Nabadoon Axmed Diiriye, waxaana lagu bedelay wiil uu dhalay Xildhibaan Cagaweyne oo xilka Maareeye ku-xigeenka loo magacaabay xiligii uu talada dalka hayay Xasan Sheekh.

Magacaabida Yabooh, ayaa kusoo beegmeysa xili Dekeda Muqdisho muddo kooban ka hor loo magacaabay Maareeye cusub.

Maareeyaha cusub ayaa waxaa loo magacaaba Axmed Washington, waxaana lagu bedelay Maareeyihii hore C/llaahi Cali Nuur oo muddo afar sano xilka hayay.

Warar hoose ayaa sheegaya in Magacaabida Yabooh uu Ra’isul Wasaare Kheyre Heshiis kula galay Beesha Habar-Gidid oo tabashooyin badan ka muujisay qaabka ay DFS u magacaabeyso xilalka.

Magacaabida Yabooh ayaa timid kadib kulan 4 wareeg qaatay oo dhexmaray Ra’isul wasaare Kheyre iyo Nabdoon Axmed Diiriye waxaana kulmada wada hadalka ah ku imaaday magacaabida Maareeye ku xigeenka.

Kulanka lagu magacaabay Yabooh ee u dhexeeyay Ra’isul wasaaraha iyo Nabadoon Axmed Diiriye, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Nabadoon Xaad oo isagu kaalin weyn ka qaatay magacaabida Yabooh.

Ra’isul wasaaraha ayaa Yabooh u ballanqaaday xilkaasi 5 asbuuc ka hor waxaana inta badan magacaabidaasi soo dhameeyay Nabadoon Xaad.

Nabadoon Axmed Diiriye oo ah Aabaha Maareye ku xigeenka cusub ayaa sidoo kale kaalin weyn ku lahaa Meel marinta Xildhibaanada Beelaha Hawiye ay meel mariyeen Ra’isul wasaare Kheyre, waxa ayna magacaabidaani abaalmarin u tahay Beesha Habar-gidir.

Si kastaba ha ahaatee, Talaabadani ayaa qeyb ka ah isbedelada ay dhawaan ku dhawaaqday DFS, waxaana la filayaa inuu sii socon doono isbedelka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET