Amar uu Farmaajo shalay kasoo saaray Afgooye oo maanta si rasmi ah u dhaqan galay

Afgooye (Caasmadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay tagay Magaalada Afgooye ayaa amray inaan Afgooye wax canshuur ah laga qaadi Karin tan iyo inta ay dowladda kasoo saareyso amar ku aadan qaabka loo qaadayo Canshuurta.

Haddaba amarka uu Farmaajo shalay ka bixiyey canshurta ayaa laga war sugayey sida ay uga hirgasho Magaalada Afgooye, maadaama amarka uu maanta bilabanayey.

Sida aan wararka ku heleyno amarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah uga hirgalay Afgooye, mana jirto maanta wax canshuur ah oo degmadaas laga qaaday, midaas oo muujineyso inay reer Afgooye yihiin dad jecel dowladnimada.

Suuqyada iyo Gaadiidka Afgooye ayaa saakay laga qaadin wax canshuur kadib Amarkii Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in la joojiyo Gabi ahaanba Canshuurta Degmada Afgooye ilaa Amar danbe.

Dadka ku Ganacsada degmada Afgooye ayaa sheegay in aysan Saakay Arkin Ciidanka ka tirsanaa Maamulka Degmada ee Canshuurta ka qaadi jiray Goobaha Ganacsiga iyo Gaadiidka taas oo dadka aad usoo dhaweeyeen madaama markii Hore dhib badan ay ku qabeyn.

Canashuurta degmada Afgooye ayaa waxaa lagu qabay dhibaato badan waxaana loo dilay dad badan oo rayid kadib muran soo kala dhex galay sidoo kale canshuurta laga qaado dadka ayaa waxay gali jirtay gacan shaqsiyaad ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay kulan xasaasi ah la qaatay Madaxda dowladda iyo Odayaasha Degmada Afgooye, waxayna usoo gudbiyeen cabashooyin badan oo ay qabaan, wuxuuna madaxweynaha u ballan qaaday inuu dhammaan cabashadaas u fullin doono, tallaabadaana waxay kamid ah tahay fulinta wixii u Farmaajo ballan qaaday.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET