Farmaajo iyo qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada oo u dhoofay London

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxwyenaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa daqiiqado ka hor ka dhoofay garoonak Diyaaradaha Aadan Cadde International, iyagoo kusii jeedo Magaalada London ee dalka Ingiriiska si ay uga qeyb galaan shirka 11 Bishaan Soomaaliya uga furmi doono halkaas.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyey seddex kamid ah madaxda Maamul Goboleedyada dalka, oo kala ahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Waxaa dhanka kale safarkiisa ku wehliyey Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladd Soomaaliya oo ay kamid yihiin La Taliyeyaasha Madaxweynaha, qaar kamid ah howlwadeenadiisa iyo Wasiirka Gaashaandhigga.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa wajahay Magaalada London oo ay dowladda iyo Maamul Goboleedyada halkaas uga qeybgeli doonaan shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan waxaa looga lagu saari doono dhismaha ciidamada qaran.

Shirkaan ayaa waxaa lagu casuumay dad badan oo isug jiro Soomaali ilaa afartan dal iyo hey’ado caalami ah, waxaana shirkaas si wadajir ah u wada guddoomin doono Ra’isulwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET