Muxuu Axmed Madoobe ka aaminsan yahay shirka ka furmaya London?

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay shirka la filaayo in 11 bishan ka furmo magaalada London ee dalka Britain.

Hogaamiyaha ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid dhif ah oo sanadkiiba mar loo qabto Soomaalida, waxa uuna tilmaamay in shirka uu faa’iido badan ugu jiro DFS iyo dhammaan maamul Goboleedayada ka jira Somalia.

Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in Jubbaland ay garaneyso wixii u dan ah, isla markaana ay ka sheegi doonto shirka si caalamka loogu cadeeyo Mowqifka Somalia, gaar ahaan kan Jubbaland.

Mar wax laga weydiiyay faa’iidooyinka shirka ayuu sheegay in shirka uusan laheyn faa’iido oo keliya waxa uuna carabka ku adkeeyay inay jiraan waxyaabo badan oo khasaaro u noqonkara Somalia, sida uu aaminsan yahay.

Waxa uu tilmaamay in khasaaraha shirka uu kamid noqon doono in Madaxda lagu cadaadiyo qorshooyin aysan fileynin, balse waxa uu cadeeyay in Jubbaland aysan ka raali noqon doonin wax ka baxsan qorshaha ay u tagayaan shirka London.

Waxa uu cadeeyay in shirka ay ka qaadan doonaan keliya wixii ka anfaca isla markaana ay ka tagi doonaan wixii caqabad u keeni kara Somalia, gaar ahaan maamulka Jubbalan ee uu Hogaamiyo.

”Shir waliba waxaan la tagnaa ajando noo gaar ah, hadana waxaa soo baxa kuwo kale oo aan lagu heshiin, hada Jubbaland waxa ay dooneysaa wixii wanaag u ah Somalia mana aqbali doono wax aan lagu heshiin”

Geesta kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay in Madaxda Qaranka looga baahan yahay inay muujiyaan taxadar isla markaana aysan ku degdegin waxyaabaha dhibta u keenikara dalka iyo dadka mas’uulka laga yahay.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET