Sawir: Amin Arts oo ku camirtay wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar

Muqdisho (Caasimadda Online) – Amin Arts oo ah farshaxaniiste ayaa ku camirtay wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar, markii uu ka sameeyey sawir yaab badan.

Sawirkaan ayuu Amin Arts ku muujiyey sawir u muuqaal shaabaha wasiirka Arimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo ku muujinayo inuu neceb yahay in Farta lagu taago .

Sawirka u muuqaalka eg Wasiirka waxaa ku wehliya Habeeneey iyo wiil yar oo ay dhashay waxana Far shaxaniiste Amiin uu soo bandhigay wiilka yar oo farta ku taagaya wasiirka issagoo leh “hooyo waa wasiirka arimaha dibadda Soomaaiya”

Waxaana sawirkaas lagu muujiyay Hooyada dhashay wiilka oo wiilkeeda u shegaysa in wasiirka uusan jecleyn in Farta lagu taago, balse aysan garaneyn sababta uu u neceb yahay arrintaas.

Sida muuqato Amin Arts ayaa sawirkaan ula jeedo falkii uu Yuusuf Garaad sameeyey markii uu saxaafadda kula hadlayey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, markaas oo ay safrayeen isaga iyo wafdi uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo.

Halkaan hoose ka arag sawirka uu Amin sameeyey

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET