Farmaajo oo qarka u saaran inuu laalo hal arrin oo halis galin karta howlihiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Warark aan ka heleyno Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llhi Farmaajo uu ku jahwareersan yahay Siyaasada qaar kamid ah qabiilada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Somalia ayaa Afartii maalin ee ugu danbeysay qoorta la galay howlo qabiil oo aan dhamaan, waxaana sidoo kale isku baheysanaaya qabaa’il dhowr ah.

Jahwareerka Farmaajo ee qabaa’ilada ayaa soo shaac baxay tan iyo markii uu isbedel ku sameeyay kuraasta qaar ee Wasaaradaha, waxaana la xaqiijinayaa in iminka uu culeys kala kulmayo ilaa 4 qabiil.

Qabaa’ilad Jahwareerka Siyaasadeed ku riday Madaxweyne Farmaajo ayaa cuskanaaya dhaqan qabiil oo lagu raadinaayo xilal dheeri ah, inkastoo Madaxweynaha uu arrintaasi kala kulmaayo culeys.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu wacad ku maray inuu ka jeesan doono arrimaha qaar ee la doonaayo in lagu xaliyo qabiilka.

Madaxweynaha ayaa doorbidaaya in howlaha ceynkaasi ah uu u maro sharciga ka jira dalka, waxaana meesha ka baxaaya xeer jajabkii caadada u ahaa Soomlida.

Dhinaca kale, Madaxweynaha oo ku ad adag dhanka sharciga ayaa la kulmi doona caqabado haddii ay dhacdo inuu laalo dhaqanka xeer jajabka ah, isla markaana qaato go’aan wax waliba lagu xalinaayo sharciga.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET