Guddoomiyeyaashii Gedo ee la jirsaday DF oo wasiiro kula kulmay Muqdisho + Sawirro

Muqdisho-Caasimada Online) – Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan iskugu jiray soo dhaweyn iyo is xog wareysi waxay magaalada Muqdisho ugu sameeyeen qaar ka mid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Gedo ee koonfurta dalka.

Guddoomiyaasha degmooyinka kala ah, Baardheere, Luuq, Dolow iyo Beled-Xaawo, oo dhamaantood ka tirsan gobolka Gedo, ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho, waxayna sii joogi doonaan maalmo sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar ka mid ah wasiirradii ay maanta la kulmeen.

Guddoomiyeyaashan ayaa dhowaan ka goostay maamulka Jubaland, kuna biiray dowladda Soomaaliya, waxaana kaidb xilalkii ka qaaday Jubaland.

Mas’uuliyiinta ka tirsan xukuumadda oo ay kulankaas la qaateen guddoomiyaashu ayaa kala ah wasiir ku xigeenka wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal, wasiir ku xigeenka warfaafinta Aadan Isaaq Cali iyo xubno kale.

Gaba-gabadii kulankaas ayaa waxaa la sheegay in wasiirrada ka socday xukuumadda iyo guddomiyaasha degmooyinka gobolka Gedo ay isla qaateen in xukuumaddu kala shaqeyso masuuliyiinta gobolkaas fududeynta iyo hirgalinta adeegyada ay u baahanyihiin degmooyinka iyo deegaanada gobolka Gedo, iyaga oo balan qaaday wasiirradu in howlaha gobolkaas ay doorkeeda ka ciyaari doonto dowladda federaalku.

Gobolka Gedo oo mid ah gobolada uu ka arrimiyo maamulka Jubbaland ayaa waxaa mudooyinkii danbe ka taagnaa loolan siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka madaxweyne Axmed Madoobe.

Guddoomiyaasha maanta kulanka la qaatay wasiirada ka tirsan xukuumadda ayaa waxaa horay xilalkii uga qaaday hoggaanka maamulka Jubbaland kadib markii ay ka hor yimaadeen maamulka madaxweyne Axmed Madoobe, waxayna haatan si toos ah ula shaqeeyaan dowladda dhexe.