Guddoomiyihii degmada Cabdicasiis iyo dad kale oo loo xiray dibad-bixii saaka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa xir-xiray qaar ka mid ah dadkii ka qeyb-galay iyo kuwii soo abaabulay dibad-bax looga soo horjeeday dowladda federaalka oo ay saaka ka hortageen ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay xabsiga dhigeen guddoomiyihii hore ee degmada Cabdicasiis, Mudane Cismaan Muxiyadiin Cariif iyo qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo haween u badnaa, kuwaas oo qaarkood la sheegay in la jir-dilay.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in ciidamadu ay qalabkii ka qaateen wariyeyaal tegay halkaasi, kuwaas oo laga hor istaagay inay soo tabiyaan dibad-baxaasi.

Wariyeyaasha qalabka laga qaatay waxaa ka mid ah howl-wadeeno ka tirsan TV-ga Universal, sida lagu shaaciyey qoraal la soo dhigay bogga telefishinkaasi.

Sida ay horey u baahisay Caasimada Online dibad-baxa ujeedka wuxuu ahaa mid looga horjeeday in muddo kororsi hor leh ay sameysato dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa hadda degan, inkastoo ciidamadu kala dareerinta dadkaasi ay u adeegsadeen rasaas, balse ma jirto khasaare ka dhashay oo la soo wariyey.