Somaliland oo war xasaasi ah ka soo saartay diyaaradii ay DF ka celisay Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa si rasmi ah uga hadashay diyaarad ay shalay hawadeeda ka celisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Diyaaradaasi oo la sheegay inay siday Qaad/Jaad oo kasoo kacday dalka Kenya ayaa dib loo celiyay, xili ay rabtay inay kasoo dagto madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal International.

Somaliland ayaa celinta diyaaradaasi ku tilmaamay bur-bur markale soo food saari kara wada-hadalada bilowga ah ee kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa ka dhawaajiyey inay saameyn ku yeelanayso arrintaasi wada-hadalada labada dhinac, maadama dhawaan heshiis hordhac ah laga gaaray arrimo ay kamid tahay hawadu.

Wasiirka ayaa u arka in dowladda federaalku ay wado faro-gelin toosa, maadama ay ku doodo Somaliland inay tahay dal ka madax-banaan dowladda Soomaaliya, wallow aysan helin aqoonsi caalami ah.

Diyaaradaasi shalay ay celisay dowladda federaalku ayaa siday qaad fara badan oo ah nooca loo yaqaano Miirooga, midaasi oo u rarneyd ganacsatado reer Somaliland, kadib hoos u dhac weyn oo ku yimid tirada qaadkii Itoobiya looga keeni jiray Somaliland.

Dowladda federaalka ayaa diyaaradaasi u celisay sababo la xiriira xayiraadaha ka dhashay Covid-19 oo weli hakad ugu jiro duulimaadyadii caalamiga ahaa, inkasta la fasaxay kuwii gudaha.

Somaliland ayaa iyadu u aragta talaabooyinka noocan ah ee dowladda federaalku ay qaado, kuwo lagu beegsanayo madax-banaanida ay muddada 29-ka sanno ka badan ay baadi-goobeyso.