Sawiro: Diyaarad Kenya laga leeyahay oo shil ku gashay garoonka BAARDHEERE

Baardheere (Caasimadda Online) – Diyaarad laga leeyahay wadanka Kenya ayaa maanta shil ku gashay garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Shilkaan ka dhacay deegaanka hoostaga maamulka Jubbaland ayaan la ogeyn waxa sababay, wuxuuna dhacay subaxnimadii hore.

Sida wararka lagu helayo diyaaradda nuuceedu waa Fokker 50 kuna diiwaan-gahan 5Y WFC oo ay iska leedahay shirkadda duulimaadyada Buff Air Service ee bixisa adeegyo badan oo isugu jira in la daabulo rakaabka, agabka kale iyo qalabkaba.

Maamulka gobolka Gedo oo la hadlay Caasimadda Online ayaa sheegay iney wali socdaan baaritaan la xiriira sababta shilka keentay, waxeyna sheegeen iney dib ka faah-faahin doonaan wax walba.

Sawirada laga helay diyaaradda shilka gashay waxaa ka muuqanaya dhaawacyo badan, balse ilaa iyo hadda lama sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay, dhawaan ayeyna aheyd markii diyaarad laga leeyahay Kenya ay soo rideen ciidamada Itoobiya ee aan ka mid aheyn AMISOM iyadoo ku sugan magaalada Berdaale.

Shirkadda Buff Air Service waxey ka hawlgashaa garoonka Wilson Airport ee ku yaalla magaalada Nairobi, balse inta badan waxey diyaaradaheeda aadaan gobolada kala duwan ee dalka Kenya.

DAAWO SAWIRADA: