Video: Askarigii kunka shilin u dilay ganacsadihii 70 jirka ahaa oo xukun lagu riday

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku riday Nuur Daahir Geeddi oo si bareer ah u dilay Cumar Xasan Macallin 16-kii June, dilkaasi oo ka dhacay isgoyska Ceel Gaabta.

Marxuumka ayaa ahaa 70 jir nolosha ka maareynayay iibinta sandaqad yar, wuxuuna dilka marxuumka ka dhashay muranka labo kun shillin Somali ah oo sigaar kaga iibsanayay.

Eedeysane Nuur ayaa qirtay inuu ka dambeeyay falkaas dilka ah. Xeer Ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gen Cabdullaahi Buule ayaa Maxkamadda ka dalbaday in xukun dil toogasho ah lagu fuliyo Eedeysane Nuur Daahir, taasi oo noqoneysa qisaasta Marxuumka.

Askarigaan oo ka tirsanaa ciidamada booliska ayaa qareenadiisa soo jeediyay in eedeysanaha uu ku jiray xiligaasi xaalad kale. Ciidamada dowladda ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa si naxariis daro ah shacabka bilaa macna daro ugu dila magaalada.

Halkaan ka daawo Muuqaalka.