Guddoomiyaha Dayniile oo billaabay boobka dhul ay dad shacab ah leeyihiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacab kasoo jeeda Beesha Mataan Cabdulle, oo degan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, ayaa sheegay in guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar uu si xoog ah uga kicinayo dhul ay ku leeyihiin degmadaas.

Dhulkaas ayaa ah dhul maalmahan uu Jacfar Dalxiis u gaynayey shacab, isaga oo sheeganaya inuu yahay dhul degmada maamusho, taasi oo sax aan ahayn.

Shacabkan ayaa sheegay in guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar uu ku amray inay baneeyaan dhulkooda, isagoo ku war geliyey inuu ka dhigayo goob dalxiis, taasi oo aan waafaqsaneyn sharciga.

Jacfar ayaa sidoo kale habeen hore si sharci-darro ah ku xiray qof ka mid ah dadka deegaanka oo dhulkaas wax ka leh isaga oo awood sheeganaya, taasi oo xiisad culus ku abuurtay deegaanka.

Madaxda dowladda federaalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayey shacabkan kasoo jeeda beesha Mataan Cabdulle ka dalbadeen in laga qabto guddoomiye Jacfar oo ay sheegeen inuu u adeegsano shaarka dowladda xoogna, uu uga saarayo dhulkooda ay sharciga u heystaan.

Waxay ka digeen in haddii aan la qaban ay iska dhicin doonaan ayaga oo lasoo bixin doona hubkooda, islamarkaana uu Jacfar qaadi doono mas’uuliyadda wax kasta oo halkaas ka dhaca iyo khasaarihii nafeed ee ka dhashay.