Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi oo Markii Ugu horaysay Dalka ka Dhoofay (Sawirro)

By Saalax Saciid Sabriye

Muqdisho(Caasimadda Online)-Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta ka dhoofay Magaalada Muqdisho iyada oo ay sii sagootiyeen xubno ka tirsan Dowladda Federaalka ah .

Taabit ayaa la sheegay in uu ku wajahan yahay Magalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Safarka Taabit ayaa imaanaya kadib  10 bilood ee uu ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho waxaana xilka laga qaaday 21kii Bishii la soo dhaafay kaddib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo madaxda ugu sarreysa Dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com