Shirkii looga hadlayay Amniga Qaranka oo Goordhow ka Furmay magaaladda Muqdisho

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Waxaa goordhow Magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Amniga Qaranka oo u dhexeeya madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, waxaana looga hadlayaa Xaaladda guud ee Amniga dalka, waxyaabaha ka qabsoomay shirarkii hore iyo wixii aan qabsoomin.

Shirkaan oo hadda furmay ayaa waxaa  Shir Guddoominaya Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi laahi Farmaajo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ah shirka ayaa furay kulanka waxaana sidoo kale ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka, dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Amniga, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo hoggaanka kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Shirkaan ayaa waxaa lagu gorfeyn doonaa xaaladda amni ee dalka, sidii loo dhisi lahaa ciidamo isku dhaf ah iyo qaabka ay u dhici doonto doorasho qof iyo cod marka lagaaro sanadka 2020-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com