Maxaa diirada lagu saarayaa shirka Golaha Amniga Qaranka ee Muqdisho ka furmaaya (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka Golaha Amniga Qaranka, ee lagu falanqeyn doono amniga dalka iyo dhismaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Shirkan oo daba socda mid isla Muqdisho ka dhacay December 4, ee sanadkii hore, waxaa lagu wadaa in go’aan looga gaaro sidii loo dhisi lahaa ciidamada xoogga dalka, maal-gelintooda iyo soo celinta amniga guud ee dalka.

Shirkaan ayaa waxaa Shir guddoomin doona Madaxweynaha Somalia, waxaana ka qeyb gali doona Madaxda dowlad goboleedyadda.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa waxyaabihii ka qabsoomay Shirarkii hore ee dhexmaray dowladda Dhexe iyo maamulada.

Hogaamiyayaasha maamul goboleedyada ayaa ku sugan caasimadda, xalay waxaa casho sharaf u sameeyay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Geesta kale, Kulankii xalay ka dhacay Muqdisho ayaa horudhac u ahaa Shirka Maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com