U diyaar garowga xuska 8-February oo loo xiray waddooyinka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta xiran qaar ka mid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, kadib markii dadka shacabka ah ay ku soo tooseen ciidamada ammaanka oo xiray wadooyinka, gaadiidkana u diidaya socodka.

Wadooyinka xiran ee loo diidayo gaadiidka ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Sheekh Cali Suufi oo Baabuurta loo diidayo dhanka Maka Al-Mukarama inay u soo gudbaan, Isgoyska Bakaaraha, Isgoyska Hawlwadaag, Isgoyska Afarta Darjiin illaa Isgoyska Sanca.

Ciidamada NISA ayaa gabi ahaan lagu soo daadiyay goobaha ay ku kala gooshaan gaadiidka sida Isgooysyada iyo goobaha kale, waxa ayna waddooyinka qaar u diidayaan lugta.

Waddooyinka qaar ayaa waxaad ku arkeysaa shacab farabadan oo raxan-raxan u socda kuwaa oo doonaaya in goobahooda shaqo ay ku gaaran lug, halka qaarna aysan shaqo tagin.

Inta badan laamaha ammaanka ayaa lagu arkaa waddooyinka marka uu waagu baryo iyaga oo dadka iyo gaadiidka dadweynaha ku celinaya.

Dhinaca kale, Xirnaanshaha maanta ayaa lagu sheegay u diyaar garowga xuska 8-February ee sanad guurada 1-aad ee doorashadii Madaxweynaha hadda talada haya ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com