Guddoomye G/Banaadir oo Aqalka Sare ka dalbaday Maqaamkii & Xuquuqda Dadka Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka dalbaday Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya inay meel saaraan maqaamka siyaasadeed ee Gobolka Banaadir.

Isagoo ka hadlay xeritaanka kalfadiga Aqalka sare ayuu sheegay in 3 Milyan oo shacabka Muqdisho ah ay u baahan yihiin inay metelaad ku yeeshaan Aqalka sare ee Baarlamaanka, taasina laga sugayo inay xaqiijiyaan xildhibaannada Aqalka Sare.

Guddoomiye Thaabit ayaa u sheegay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in Dastuurka dalka uu farayo sharci gaara oo loo sameeyo caasimadda , taasoo ah arrin u taalla labada Gole ee Baarlamaanka inay sharci ka soo saaraan maqaamka caasimadda.

Maqaamka Muqdisho ayaa noqday mid dowladihii isaga danbeeyay dalka aanay ku guuleystan inay sharci u sameeyaan, taasoo keentay inuu metelaad ku yeelan waayo Aqalka sare ee maamuladda dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com