Sawir: Qofka ugu da’da weynaa Sucuudiga oo ku geeriyooday da’da 147 jir!.

Makka Al-Mukarama (Caasimadda Online) – Sheekh Cali Al Xakiimi,waxaa uu ahaa qofka ugu da’da weyn dalka Sucuudiga,waxaana uu todobaadkan ku geeriyooday da’da 147 Sano.

Sheekh Cali ayaa u geeriyooday dhiig maskaxda kafa furmay,waxaana uu taariikh dheer ku leeyahay gudaha Dalka Sucuudiga.

Al  xakiimi waxaa  ay dhaqaatiirta iyo xubno qoyskiisa ka mid ah sheegeen in uu aad u jeclaa socodka lugta ah,halka ay dadka gaadiidka ka raacaanna isaga uu lugeyn jiray,waxaan aay taas ku sheegeen in ay tahay sababta uu caafimaadkiisa u hagaagsanaa mudada dheer.

Waxaa uu degganaa Magaalada la yiraahdo Abxaa oo Magaalada Makah u jirta 600KM waligiina gaari uma raacin Makkah iyo Magaalooyinka la midka ah,waxaana uu beddelkeeda u lugeyn jiray magaalooyinkaas.

Yaxya Al-Xakiimi oo qoyska Sheekh Cali ka mid ah ayaa u sheegay Al Carabiya in Sheekh Cali uu jeclaa cuntada  Beeraha ka soo go’da sida Khudaarta cagaaran,Khamadiga,Galleyda,Digirta iyo  Malabka.

Waxaa uu ka fogaan jiray cuntooyinka warshadeysan,waxaana uu sidoo kale cuni jiray  Hilibka Xoolaha markaas la qalay.

Marka uu xajinayo waxaa uu Xajka ku tagi jiray Lugta,isaga oo 600km aan gaari u raaci jirin halkaas oo ay ku taallo Magaalada Makah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com