26.8 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Guddoonka BF oo digniin iyo hanjabaad soo saaray kadib hadalkii Sheekh Nuur Baaruud

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in la xerayo, sidoo kalena dacwad loo qabsanayo cidii dacaayad ama hadallo xun ka sheegta Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in hada ka dib aysan aqbali doonin in la iska dacaayadeeyo Xildhibaanada Qaranka.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in Cadaalada laga wada shaqeeyo oo si isku mid ah ah loo dacweeyo loona ganaaxo Masuuliyiinta dowladda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed hadii ay dambi ka galaan Xildhibaanada Qaranka.

Waxa uu tilmaamay in ay jiraan waxyaabo qalad weyn ah oo  maalin kasta ay galaan dadka balse aan lagu ciqaabin, waxa uu xusay in ay ku dadaalayaan sidii loo ciqaabi lahaa dadka mar walbo dacaayadaha ka faafiya Xildhibaanada Baarlamaanka.

Sidoo kale Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka fogaadaan in ay qalad toos ah ka galaan Xildhibaanada Qaranka oo ay warar been abuur ah ka sheegaan.

Hadalkiisa ayaa yimid, ayada oo muran xooggan uu dhowaan ka dhashay hadal hanjabaad ah oo Sheekh Nuur Baaruud Gurxan uu u jeediyey xildhibaanada qaranka, oo ahaa in guryahooda lagu weeraro haddii ay mooshin ka keenaan xukuumadda.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News