25.2 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Sacuudiga oo cadeeyey go’aankiisa heshiiska dhex maray Mareykanka iyo Qadar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Caadil Al-Juber, ayaa shaki galiyay Heshiiska ay wada saxiixdeen dowladaha Mareykanka iyo Qadar.

Al-Juber oo la hadlay warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in Qadar aysan u diyaarsaneyn inay fuliso Heshiiska ay wada saxiixdeen Xoghaya arrimaha dibedda ee Marayakanka Rex Tillerson.

Waxa uu tilmaamay in Heshiiska la dagaalanka Maalgalinta Argagixisada uu yahay mid ay Qadar ku dabooleyso xiisada kala dhexeysa Khaliijka.

Al-Juber, waxa uu tilmaamay in dowlada Qadar ay si dhaba u maldaheyso xiisada kala dhexeysa Xulafada Sacuudiga,waxa uuna ku baaqay in la hubiyo daacadnimada saxiixa Qadar ee Heshiiska.

”Wey adkaan doontaa inaan si degdega ku aamino Heshiiska la dagaalanka maalgalinta Argagixisada oo Qadar ay la gashay Mareykanka”

”Waa suuragal in qorshaha Qadar uu yahay mid lagu soo dadajinaayo qaboojinta xiisada jirta, Heshiiskuna kama turjumi doono xaqiiqda jirta”

Sidoo kale, Al-Juber waxa uu Xoghaya arrimaha dibedda ee Marayakanka Rex Tillerson ugu baaqay inuu adkeeyo mas’uuliyada Heshiiska, waxa uuna carab dhabay in Sacuudiga uusan aamini doonin Heshiiska dhacay.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Mareykanka ayaa ballanqaaday hirgalinta Heshiiska ay la galeen dowlada Qadar, kaa oo ku saleysan la dagaalanka maalgalinta Argagixisada.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News