Kismayo (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Kismaayo ka furmay shirka golaha wasiiradda xukuumadda federaalka Soomaaliya, iyadoo kulankaasi intii uusan furmin ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu wasiiradiisa faray inay kulan isbarasho ah la yeeshaan wasiir walba dhigiisa Jubbaland.
Kulamadaan ayaa ah mid isbarasho ah iyo in la isla meel dhigo howlaha shaqo ee ka dhaxeeya wasaarad walba.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in shirarkaan ay leeyihiin wasiirada federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland uu hordhac uu yahay mid isbarasho iyo in Wasiir walba oo Federaalka ah inuu waqti xogwareysi gaar ah la qaato wasiirada Jubbaland oo ay ka wada hadlaan xiriirka iyo wadashaqeynta.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goob joog ka ah kulamadaan isagoo soo dhoweeyay kulamadaan cusub ee horay dhicin.

Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

