Gudiga doorashada oo soo saaray habraaca doorashada madaxweynaha Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa ee Baarlamaanka Galmudug garabka wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa soo saaray hab raaca Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Habraaca uu guddiga Doorashada soo saaray ayaa ka kooban ilaa 5 qodob oo xasaasi ah oo qaarkood lagula dagaalamayo Xildhibaanada Ahlu Sunna ee diiday inay ka qeybgalaan Doorashada, waxayna guddiga sameysteen sharci u ogolaanayo in 3/2 Xildhibaanada Galmudug ay dooran karaan madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa.

Halkaan hoose ka akrhriso qodobada hab raaca Doorashada

1 – In Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay doortaan Golaha sharcidajinta Dowlad Goboleedka Galmudug.

2 – Waa in Saddex meelood meel joogtaa Xildhibaanada Galmudug Codaynta Madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug 3/2.

3 – Waa in Musharixiintu u soo jeediyaan  fadhiga Golaha sharcidajinta Dowlad Goboleedka Galmudug ugu yaraan 10 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

4 – Murashaxa kastaa waa in uu Xildhibaanada u soo gudbiyaa Musharaxnimadiisa si waa waafaqsan nidaamka Guddiga doorashooyinka Galmudug.

A – codaynta Doorashada Madaxweynaha Galmudug waa qarsoodi.

B – Codaynta Doorashada Madaxweynaha waa ku guulaysanay Musharixii helaa Codadka Xildhibaanada Saddex meelood Laba meel  3/2.

Hadii Musharaxu ku guulaysan waayo wareega 1 aad waxaa loo gudbaa wareega 2 aad,waxaana ku tartami doona Afarta Musharax ee ugu codadka badan.

Wareega Sadeexaad waxaa u gudbaya 2 Musharax ee ugu codadka badan waxaana ay ku kala guulaysan doonaan Cod haldheere ah 50+1.

5: Doorashada Madaxweynaha ku xigeenka Galmudug waxaa loo marayaa habka doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.