Gudiga doorashooyinka Puntland oo shaqada u joojinaya hal arrin darteed

Garowe (Caasimada Online) – Khaliif Aw-Cali oo ah gudoomiyaha gudiga doorashooyinka ee Puntland ayaa cadeeyay iney wajahaan xaalad adag oo dhanka dhaqaalaha taasi oo caqabad ku noqon karta doorashooyinka socda.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay ineysan jirn ilaa iyo hadda wax dhaqaalo ah oo gacantooda ku dhacay, si loogu fududeeyo howlaha doorashooyinka ee horyaala, sida uu hadalka u dhigay.

Dhaqaalo la’aan heysata darted gudiga doorashooyinka ayaa laga baqayaa iney hakad gasho howlihii ay ka wadeen magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland.

Waxa uu xusay in ay muhiim tahay in ay helaan dhaqaalo ku filan si loo dardar geliyo howlaha doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee laga soo dooranayo degaanada Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland Khaliif aw Cali ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in la dhaqan geliyo qorshihii loo dajiyay in lagu socod siiyo howlaha Guddiga doorashooyinka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com