Gudiga Xuquuqul Insaanka oo war kasoo saaray xariga Coldoon, Dhame & Dhakool

Hargeysa (Caasimada Online) ― Komishanka Xuquuqul Iinsaanka Somaliland, ayaa ka hadlay xariga kala duwan ee lagu kala kacay Guddoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhame, Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool.

Komishankan ayaa sidoo kakle waxa uu ka warbixiyey kormeer uu ugu tagay Mas’uuliyiintan, waxeyna u dhigneyd warbixintaasi sidan:

Maxamed Siddiiq Dhamme

Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka oo xog ka helid xaaladiisa guud ah ku booqday Maxamed Sidiiq (Dhamee) oo ka mid ah saraakiisha Xisbiga Wadani ahna Guddoomiyaha garabka dhalinyarada ee Xisbiga wakhtigana ku xidhan Jeelka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Dhamme oo sheegay in Qabashadiisu ka dhalatay qoraal uu ku xusay baraha bulshada (Facebook) taas oo ku sheegay in uu kaga soo horjeedo xaaladii degdega ahayd ee lagu soo rogay saddex degmo oo ka mid ah Gobolka Sanaag. sido kale Maxamed Sidiiq dhamme wuxu Komishanka uu xaqiijiya in lagu xidhay isaga oo aan wax ogolaasho Maxkamadeed (warrant) ah la tusin laguna tilmaamay inu yahay Dambiile qaran kahor intaan xukun maxkamadeed ku dhicin.

“Anigoo u fadhiya qadadii abaara 1: 30PM (Duhurnimo) ayaa ciidan police ah oo hubaysani usoo daateen guriga ayna caruurtii iyo xaafadiiba argagax geliyeen, 4 askari ayaa iisoo galay oo qoryo igu qabtay ina amray inaan raaco, kadib waaran qabashadayda ah ma sida taan baan ku idhi? Maya bay dheheen waa amar ina keen iyagoo ii caga juglaynaya, handidaad badan kadib oo aan naftayda uga baqay Ayaan kusoo raacay”.

Wuxuu intaa ku daray isagoo sii wata hadalkiisa “in ka badan 10 askari ayaa ku wareegsanaa guriga oo debadda ku sugayey kuwa gudaha usoo galay guriga ee loo xilsaaray qabashadayda”.

Waxa kale oo Dhamme Komishanka uu xaqijiyay in ay waydiiyeen intay saldhigga ciidanka Bilaysku ku wadeen su’aalo badan oo deel qaaf ah. “waxay I waydiiyen intay isii wadeen Su’aalo badan oo aan munaasib ahayn sida; Maxaad ka shaqaysaa?, Ma ogtahay in xisbigaagu yaha Qaran Dumis?, Maxaad ku cadaynaysa in Doorashada xisbigaaga lagaga shubtay? Iyo qaar kaloo badan” Dhamme ayaa sidaa yidhi

Sido kale Komishanku waraysigii uu la yeeshay Maxamed Sidiiq Dhamme wuxu ku soo xaqiijiyay in lagu xidhay Qol madow oo nadafadiisu hoosayso 3dii cisho ee ugu horeysay loona diiday inuu helo wax iftiin ah qoyskiisina laga hor istaagay inay booqdaan.

“Waxaa lay geliyey anigoo katiinadaysan qol madaw oo suuli buuxaa gudaha ugu yaalo oo saxaradii iyo wasakhdiiba debadda uga soo baxday, wax biyo ahna aan lahayn iyo gogol toona, waxaana aan ka codsaday inay ii keenaan biyo qoyskaygana iila hadlaan si ay gogol iigu keenaan waana layga diiday dalab kasta oo aan u gudbiyo muddaas 3 cisho ah” wuxuu intaa raaciyey, “ intii aan saldhigga kujiray waxay ciidanka Bilaysku igu hayeen aflagaado iyo caga juglayn joogto ah iyagoo isku dayeyey in mooral iyo nafsi ahaan ii dilaan”.

Gabagebadii Maxamed Sidiiq Dhamme wuxu xaqiijiyay in 4tii/May/2019 Maxkamada la hor geeyay markii ugu dambeysay sheegayna inu leeyahay 3 lawyer , xaalada cafimaadkiisuna wanagsantahay , Jeelka weyna ka helo adeeg cafimaad , goob lagu cibaadeysto iyo Jimicsiba (physical exercise – walking ).

“Ciidanka asluubtu runtii sida ugu wanaagsan ee qof xorriyadda laga qaaday loola dhaqmo ayey iila dhaqmaan, waxaan helaa biyo igu filan, jimicsi joogta ah, goob cibaado ku habboon, waxaan lakulmaa qareennadayda markaan ubaahdo iyo markay ii baahdaanba, booqashada qoyska iyo cid kastoo ii baahata waan arkaa, waxbarasho oo waxaaba intaan joogay waxbadan ka bartay taarikhii dawladihii islaamka sida ummawiyiintii iyo cabbaasiyiintii iyo tafsiirka quraanka, runtiina ciidanka asluubta iyo magacoodu waa isleeyihiin markaad aragto siday fiican ee ay ula dhaqmayaan maxaabiista ay hayaan xuquuqdoodana u dhawrayaan waana ku ammaanyihiin”. Dhamme ayaa sidaa yidhi.

Sidaa daraadeed wuxuu Komishanka Xuquuqul Insaank Qaranku ugu baaqayaa laamaha baadhista Bilayska iyo xeer ilaalinta gacanta ku haya Kiiska Maxamed Siddiq Dhamme inay dedejiyaan, ayna ka fogaadaan waxkastoo keenaya in dib dhac ku yimaaddo dacwadiisa uuna bilaa xukun ugu sii jiro xabsiga, taas oo noqonaysa xadgudub kadhan ah xuquuqda muwadinkas iyo hanaanka cadaaladeed ee dalkaba.

Cabdimaalik Muuse Coldoon

Komishinka Xuquuqal Aadamaha Qaranka ayaa Booqasho ugu tagay Cabdimaalik muuse coldoon tarikhdu markay ahayd 28 May 2019, si ay xogogaal ugu noqdaan xaaladiisa. Cabdimalik ayaa laga soo xidhay magalada Burco 17/4/2019 goor habeenimo ah abbaaro 8:30 PM, kadibna isla habeenkii ayaa loo soo wareejiyey magaalada Hargaysa.

“Waxay ciidanka Bilaysku I xidheen 8: 30 habennimo oo ku beegnayd 17-04-2019, waxayna I geeyeen saldhigga dhexe ee magaalada Burco. Markay saacaddu ahayd 12:00 AM ayaa gaadhi ciidan ah oo Hoggaaminayo taliyihii saldhigga lay keenay, layna amaray inaan fuulo. Kadib hargaysa ayaa la ii soo qaaday. Waxaa abbaaro 4:00 AM lay keenay xarunta CID-da Hargeysa.

Waxaan Muddo nususaac ah Ku xidhnaa Xarunta CTU-da, kadibna waxaa laygudbiyey Saldhigga dhexe ee Hargaysa” Cabdimaalik ayaa yidhi. “Waxaan wadanka ka maqnaa muddo sannad iyo dhawr bilood ah, sababtoo ah waxaan qabay cabsi ah in lay xidhayo se waxaan go’aansaday inaan dalka imaado si aan si xora isugu difaaco oo wixii eeda ah ee laygu haysto aan isaga difaaco hadday jiraan” ayuu ku daray hadalkiisii.

Sidoo kale Coldoon wuxuu waraysigiisan komishanka ugu xaqiijiyay in xadhigiisu yahay mid ka dhashay dhaliilo uu u soo jeediyay ciidamada Booliska Somaliland iyo maqaalo kale oo uu ku cabirayay fikirkiisa.

“Waxaan filayaa waxaa laygu haystaa dhaliilo aan ciidanka Bilayska usoo jeediyey aanaan ku dhaliiyey falal ay sameeyeen oo aan u arkayey inay yihiin tacaddi xuquuqul insaan oo ay dadkooda u gaysanayaan iyo inaan qoraalo koo kooban ku baahiyey bartayda bulshada ee Facebook kuna cabbirayey aragtidayda ku waajahan Hogaanka dalka oo aan lahaa waxbaa qaldane hala saxo.

Qoraaladaas ayaa halku dheg uga dhigay “Taliskani wuxuu hayaa waddadii Talisyadii Hoogay” waxaana aan ka waday in tacaddiyo badani jiraan oo ka dhan ah xuquuqul insanka iyo cabbiraadda ra’yiga in la joojiyo sixitaanna waan u arakeyey”. Ayuu yidhi coldoon.

20-4-2019 ayaa maxkamada Gobolka M/Jeex la hor geeyay Coldoon oo su’aalo lagu waydiiyay” Garsooraha ayaa waydiiyey qoladii iwaday inay haystaan:

Warqadii xawilaadda maxkamadeed ee layga soo wareejiyey Gobolka Togdheer;

Inay haystaan waaran qabasho oo maxakamadi siisay

maya ayey ku jawaabeen, kadib garsooraha ayaa u sheegay inaanu sharciayan xaq ulahayn inuu kiiskaa qaado maadama oo aanay sidan warqad xawilaad oo maxkamadda gobolka togdheer soo qortay jirin, waaran sharciyana aanay haysan. Wuxuuna Garsoorihii amar ku bixiyey in 7aad gudihii laygu celiyo Gobolkii layga keenay lamina fulin amarkii garsooraha oo waataa ilaa maanta Hargaysa laygu hayo”.

Wuxuu kudaray intaa Coldoon; “27-04-2019 ayaa marlabaad maxkamadda lay keenay sii hayn labaadna lay jaray, haddana waxaa mar sadexaad lay horgeeyey maxkamadda 04-05-2019 iyagoo marwalba la leeyahay baadhistii baa wax nooga hadhsanyihiin ee waqti dheeraaada hanala siiyo”.

Ugu danbayntii wuxuu Coldoon Komishanka u xaqiijiyey inuu leeyahay laba qareen oo uu la kulmo marka uu u baahdo, qoyskiisana loo ogolyahay inay soo booqdaan warna kale helaan intuu kujiray xabsiga dhexe ee Hargaysa ayna saraakiisha xabsigu si wanaagsan ula dhaqmaan wuxuu xuquuq u leeyahayna u ogolyihiin.

Haddaba, wuxuu Komishanka Xuquuqul Insaank Qaranku ugu baaqayaa laamaha baadhista Bilayska iyo xeer ilaalinta gacanta ku haya Kiiska Cabdimaalik Muuse Coldoon inay dedejiyaan baadhistiisa , ayna ka fogaadaan waxkastoo keenaya in dib dhac ku yimaaddo dacwadiisa uuna bilaa xukun ugu sii jiro xabsiga, taas oo noqonaysa xadgudub kadhan ah xuquuqda muwadinka iyo meel kaga dhac hanaanka cadaaladeed ee dalkaba.

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool

Xubno uu hoggaaminayo Guddoomiyaha komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa booqasho xogogaalnimo ugu tegay 01-06-2019 X. Maxamed Axmed Dhakool oo ku xidhan Xarunta Denbi Baadhista ee Hargaysa. Xildhibaanka ayaa 09-05-2019 abbaara 10-kii habeennimo laga soo qabtay gurigiisa.

Xadhigga xildhibaanka ayaa kadhashay war saxaafadeed uu qabtay uuna kaga hadlay maalinta 18-ka May oo ah maalinta lasoo noqoshada madax banaanida JSL ee ay ka baxday wixii laysku odhan jiray Somali Rebublic. Xildhibaanka oo duray xuska maalintaas kuna tilmaamay maalin ay cid gaari leedahay ahna maalin madaw.

Xildhibaanka ayaa hadda muddo 22 cisho ah ku xidhan Xarunta Danbi Baadhista ee Hargaysa iyadoo xadhigiisa ay Maxkamadda Gobolka M/jeex Markii La horgeeyey ay sheegtay inaanay awood sharci u lahayn inay kiiskiisa furaan, sidoo kale guddida joogta ah ee golaha wakiilada ayaa iyyana deedafeeyey xadhigga xildhibaanka kuna tilmaamay mid sharci darro ah kuna baaqay in si dhaqso ah loo sii daayo.

Guddida komishanka ayaa markii labaad booqashadan ugu tegay xildhibaanka si ay u eegaan xaallada uu kusuganyahay iyo inuu helo xuquuquhiisii loo baahnaa inta uu maxbuuska yahay.

Xaallada caafimaad ee Xildhibaanka ayaa hadda aad u wanaagsan, wuxuuna guddida u xaqiijiye inuu dhakhtarkiisa la kulmo marka uu ubaahdo, uuna uu leeyahay xaasaasiyad marmar ku kacda oo dhinaca indhaha ah aakiin sidiisa kale caafimaadkiisu taam yahay.

Waxaa ay xubnaha komishanku ka xaqiijiyeen xildhibaanka in aan loo oggolayn inuu qoyskiisa la xidhiidho oo ilaa hadda aanay wax war aka helin qoyskiisii. Wuxuu kaloo u sheegay in loo diiday inuu biilashii reerihiisa oo mobile kiisa kujira loo diiday in uu udiro ama looga diro aanuna garanayn waxay ku suganyihiin qoyskiisii nolol ahaan.

Sidoo kale wuxuu u sheegay xubnahan booqday in saacad saacad askarta ilaalisa loo waydiiyo cidda soo booqata taas oo meel ka dhac ku ah xuquuqdii uu lahaa xildhibaankaa maxbuuska ah.

Gebegabadii komishanku wuxuu farayaa dhamman hay’adaha khusayso arrinta xadhigga xildhibaanka in sa dhakhso ah loogu ogolaado inuu lasameeyo xidhiidh qoyskiisii loona ogolaado inay soo booqdaan. Taas oo ah xuquuq waajib ah inuu helo maxbuusku”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com